Weeraryahanka Yuri Alberto ayaa ka dhawaajiyay inuusan ka tagi doonin kooxdiisa Brazil mustaqbalka dhow iyadoo ay soo jeedinayaan xiisaha kooxda Premier League ee Arsenal .

20 jirkaan ayaa dhaliyay 19 gool waxaana loo diiwangeliyay afar caawin 55 kulan oo uu u saftay heerka kooxeed xilli ciyaareedkii hore, waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Gunners usbuucyadii dhawaa.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ee 23 jirada ayaa sheegay inuu ka fikirayo kaliya inuu ka caawiyo Internacional ‘ku soo laabashada sare ee 2022’.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Alberto, oo ay weli kaga harsan tahay in ka badan seddex sanno qandaraaska uu kula jiro Internacional, ayaa dhaliyay 29 jeer, waxaana loo diiwaan geliyey shan caawin 84 kulan oo uu u saftay kooxdiisa haatan tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan