Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Youri Tielemans ayaa qarka u saaran inuu wadahadalo dheeri ah la yeesho Arsenal usbuucan.

Belgian-ka ayaa qandaraaska uu kula jiro Foxes wuxuu dhacayaa 18 bilood gudahood, taasoo la micno ah in kooxdu ay ku dhamaan karto inay bilaash ku fasaxdo haddii ay aqbali waayaan qandaraas cusub ka hor xagaaga.

24-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay Arsenal ilaa suuqan oo dhan, iyadoo Gunners ay dooneysay inay ku xoojiso kooxdeeda qeybta labaad ee ololahan, wadahadalo ayaana durba dhacay.

Sida laga soo xigtay Football London , waxay qarka u saaran yihiin inay sii wadaan isbuucaan iyadoo kooxda fadhigeedu yahay London ay dooneyso inay riixdo si ay u sameyso saxiix macquul ah oo dhacaya bishaan gudaheeda.

Tielemans ayaa 16 kulan ka soo muuqday Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo shan jeer shabaqa soo taabtay, halka uu sidoo kale shan jeer ka soo muuqday Europa League.

Leicester City ayaa dib u soo laaban doonta 6-da bisha February kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan FA Cup-ka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan