Haweeney 43 jir ah oo lagu magacaabo Preeti Maske ayaa dooneysa inay sameysato arin mucjiso ah si ay u gasho buuga diwaanka ee [Guinness World Record] iyadoo ka qeeb galaysaa tartanka baaskiilka 6,000-km Golden Quadrilateral kasoo socon doono muddo 22 maalmood ah.

Preeti Maske, waa 43 jir oo ka soo jeeda magaalada Pune ee dalka india, waxay isku dayeysaa inay sameyso Guinness World Record iyadoo noqotay haweeneyda ugu dhaqsaha badan ee baaskiil wadata 6,000-km Golden Quadrilateral.

Advertisement

In kasta oo mas’uuliyiinta Guinness Book of World Records ay siiyeen ugu badnaan waqtiga 30 maalmood ah inay ku dhammaystirto waddada, Preeti waxay sheegtay inay higsanayso inay ku dhammaysan doonto mudo 22 maalmood oo keliya.

Wadada tartanka Golden Quadrilateral waa mid ka bilaabaneysa Pune ilaa Bengaluru-Chennai-Kolkata-Delhi, Rajasthan ilaa iyo Mumbai waxayna dib ugu noqon doontaa magaaladii ay ka bilaabatay ee Pune. Maske ayaana ka amba bixi doonta wadada Shaniwar 27-ka bisha Febraayo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here