Atirishada muranka u saaxiibka ah Kangana Ranaut marwalbo waxay jeceshahay inay ciwaano kala duwan sameyso markaana waxay diirada saaratay Superstar-ka Hollywood-ka Tom Cruise oo ay sheegtay inay kaga wanaagsan tahay sameynta Action-mada iyo ficilada halista ah weliba Kangana waxay aaminsan tahay in dhanka Action-ka aan lagu gaari karin.

Advertisement

Kangana waxay marka hore sheegtay atirishooyinka Hollywood-ka dhanka Action sameynta looga haray sida gabadha lagu magacaabo Gal Gadot oo dhawaan sameesay Wonder Woman 1984 iyo atirishooyin kaleba ay meel saari karto dhanka Action-ka xitaa atoorayaasha caalamiga ah aysan kula tartami karin sameynta ficilada halista badan.

Kangana Ranaut waxay tiri “Waan hubaa Action-mada iyo ficilada halista ah aan ku sameeyay filimkeyga Dhaakad ee dhamaadka sanadkan la daawan doono in atoore xitaa ku sameyn karin iskaba dhaaf atirishooyinka sida Gal Gadot iyo kuwo kale, waxaan aaminsanahay dhanka Action-ka Tom Cruise xitaa igu gaarin waayo halis walbo ayaan u bareeyay filimka Dhaakad waadna arki doontiin sida heerka sare ah ee aan Action-ka ugu soo baxaayo.”

Kangana waxay u diyaarsan filimka Thalavi oo bartamaha sanadkan la daawan doono iyo filimka Action-ka ah Dhaakad oo horaanta October la daawan doono waxayna xidigtan dooneysaa labadan filim inay sanadkan Bollywood-ka ku qabsato madaama labada filim iyada hogaamiye ka tahay. Sidoo kalena Kangana waxay sheegtay dhawaan inay bilaabi doonto filim maal galinta oo ay soo saare noqoneyso ayadoo garab siin doonto jilaayaasha aan garab heesanin oo aan wax qaraabo ah Bollywood-ka ku laheyn si ay fanka Hindiya u sal dhigtaan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here