Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Baydhabo (Dalkaan.com) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta dib uga bilaabatay doorashada shan kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaasi.

Doorashada kursiga koowaad ee HOP#175 oo la qabtay ayaa waxa ku soo baxay  Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) oo helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Aadan Maxamed Ibraahim uu isna  helay 22 cod, waxaana halaabay saddex cod.

Kursigan waxaa horay uga fadhiyey xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#159 waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Maxamed Bare Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Isaaq, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Barre oo ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa ku dhowaaqay in Maxamed Barri Maxamuud  uu helay 72 cod, halka musharaxii la tartamayay uus helay 23 cod.

Waxaa sidoo kale kursigaan ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim oo laga reebay inuu ka qayb-galo tartanka.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa dardar-gelineyso doorashada Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha, waxayna noqota maamulka ugu horreeya qabashada doorashooyinka.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com