Koobka Qaramada Afrika ayaa Xalay la ciyaaray iyadoo Equatorial Guinea ay ka badisay Algeria.

Kooxda heysata tartankan ayaa lagu soo koobay wareega group-yada, iyadoo kooxdii kasoo horjeeday ay 1-0 ku badisay.

Estaban Obiang ayaa daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta u dhaliyay xulka Equatorial Guinea goolka guusha ,waxana ay difaacdeen goolkaasi inta ciyaarta socotay.

Algeria ayaa soo baxday 35-kii kulan ee ugu dambeeyay ee caalamiga ah iyada oo aan wax guuldaro ah la kulmin,waxana ay ahayd ilaa October 2018.

Waxa ay hadda leeyihiin hal dhibic oo ay ku galayaan ciyaartii ugu dambaysay ee heerka guruubkooda, taas oo ka dhigaysa in kulanka Ivory Coast ay waajib ku tahay in ay badiso Algeria.

Haddii Equatorial Guinea ay ka badiso Sierra Leone kulankeeda ugu dambeeya ee Group-ka, waxaa laga yaabaa inay ku soo baxdo kaalinta 1aad ee Group-ka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan