Xulka Masar ayaa xaqiijistay booskooda wareega 16-ka koobka qaramada Afrika kadib markii ay 1-0 ku dhaafeen xulka Sudan waxaana goolkan u dhaliyay Mohamed Abdelmonem.
Xulka 7-jeer ku guuleystay AFCON ayaa kaalinta labaad kaga soo baxay Group D oo ay ka dambeeyaan Nigeria, kuwaasoo ka badiyay kulankoodii furitaanka ololahan, waxayna u muuqdaan inay wareega 16-ka ku wajihi doonaan Ivory Coast.
Dhanka kale Nigeria ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah koobka qaramada Afrika wareega Group-yada kadib markii ay 2/0 uga badisay Guinea-Bissau.
Super Eagles ayaa u soo baxday wareega 16ka iyagoo ku soo baxay kaalinta 1aad ee Group D iyagoo heysta rikoor 100 boqolkiiba ah ka dib markii ay seddex guul ka gaareen heerka guruubka.
Ciyaaryahan Umar Sadiq ayaa daqiiqadii 56-aad goolkisii ugu horeeyay ee caalami ah u dhaliyay xulkiisa halka goolka labaad uu ku daray William Troost-Ekong guud ahaan kulankooda ayaa ku soo dhamaaday 0-2
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan