Muqdisho (Dalkaan.com) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilka sii heysa Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku dayay in awood loo yeelo, isla markaana lagu qanciyo qorshe uu dhexda ugu xirto go’aanada masiiriga ah ee hor yaalla isagoo ka madax bannaan madaxtooyada, balse waa lagu fashilmay.

Xog ay heshay Dalkaan.com ayaa lagu sheegay in xubno isugu jira xildhibaano golaha shacabka ah, kuwa aqalka sare iyo ganacsato ay isku dayeen iney awood u yeelaan Maxamed Xuseen Rooble, balse uu qorshahaas fuli waayay.

Advertisement

Wax walba waxey fashilmeen shirkii wajiga saddexaad oo ay yeesheen Rooble iyo midowga musharaxiinta, khamiistii ayaa la isku arkay Decale iyadoo midowga musharaxiinta ay soo jeediyee qodobo adag oo ay hor dhigeen Rooble, balse uu go’aankeeda qaadan waayay.

Midowga musharaxiinta mar walba waxey ka qabeen tuhun weyn awoodda uu yeelan karo Rooble, balse xubnahaan qaraabada la ah ayaa gudoonka sare ee midowga ku qanciyay iney shakigaas meesha ka saari doonaan, balse qorshahoodii ay 7-maalmood magaalada ku xasiliyeen uma fulin.

Xubnaha la sheegay iney isku dayeen Rooble iney ka dhigaan ra’iisul wasaare adag waxaa ka mid ah: Mahad Salaad oo ah xildhibaan aqalka hoose, Yuusuf Geelle Ugaas iyo Cabdi Qaybdiid oo ka tirsan aqalka sare, xildhibaan hore Cabdisaabir Nuur, ganacsade Liibaan Axmed Xasan iyo xubno kale oo aan magacyadooda banaanka lasoo dhigin.

Xubnahaan waxey doonayeen in Muqdisho uusna ka dhicin wax qalalaase ah, sidoo kalana uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil heynta la wareego waxyaabaha hor yaalla sida hirgalinta doorashada, qaatana go’aanada uu xaqa u leeyahay oo ay is lahaayeen waxey hirgalin kartaa doorasho xalaal ah.

Jawiga siyaasadeed ee Muqdisho oo muddo ka badan todobaad xasilneyd, halkeedii ayuu xaalka ku laabtay iyo sidii uu ahaa kadihb 19-kii February, lama oga waxa xiga ee dhici doona iyadoo Beesha Caalamka laga sugi doono tallaabada kale oo ay qaadayaan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here