Muqdisho (Dalkaan.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka u guuray xarun uu ka sameystay degmada Kaaraan, gaar ahaan aagga Mirinaayo, oo ku taalla waqooyi-Bari Muqdisho, isla markaasna deriska la ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar kale oo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinya in madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu dhankiisa xarun ka sameystay degmada Yaaqshiid, gaar ahaan xaafadda uu ka soo jeedo ee SiiSii, islamarkaana la filayo in uu maanta u guuro.

Advertisement

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna isu diyaarinaya in uu isla maanta u guuro degmada Dayniile, halka Musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdul Qaadir Cosoble iyo Daahir Geelle ay ku sugnaan doonaan deegaanadooda ku xeeran Garoonka diyaaradaha.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in musharixiinta mucaaradka ah ay u diyaar garoobeen tallaabo milatari oo ka dhan ah Farmaajo, haddii xalka beesha caalamka uu meesha ka baxo.

Marka la eego afarta xarumood ee ay musharrixiintu degeen ayaa ah goobo istaraatiiji ah, haddii uu dagaal ka qarxo caasimadda, waxa ayna xusheen goobo ay taageerayaashoodu ku badan yihiin.

Iibsiga hubka ayaa sare u kacayay Muqdisho labadii bil ee la soo dhaafay, iyada oo ay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay billaabeen in ay is hubeeyaan, taas oo walwal badan ku abuurtay dadka caasimadda.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in golaha badbaadada Qaranka ay qorsheynayaan in madaxweyne kumeel gaar ah doortaan oo muddo cayiman dalka doorasho ku gaarsiinaya, taas oo iska hor imaad ka dhalin karta Muqdisho 

Arrimahaan ayaa ugu wacan cabsi amni oo ka jirta magaalada Muqdisho kadib markii ay dowladda Soomaaliya sameysatay muddo korarsi Madaxweynaha iyo Golaha Shacabka ah iyo qalalaaso amni oo xalay magaalada ka dhacay.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here