Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan hay’adaha ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa Dalkaan.com u xaqiijiyay in dhaca dadweynaha ee ka socda Muqdisho ay ka qeyb yihiin saraakiil sare oo ka tirsan booliska Soomaaliya. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in saraakiisha booliska ee Saldhigyada qaar ay adeegsadaan ciidanka ay xukumaan qaarkood ee dhaca soo gaysta, islamarkaana ay qeyb ka yihiin dhaca dadweynaha. 

Xogtan aan helnay ayaan kasoo xiganay saraakiil ka tirsan CID-da oo wareystay askar loo soo qabtay falkaas, qaar kamid ah maamullada degmooyinka iyo saraakiil ka tirsan qeybta guud ee gobalka Banaadir. 

“Koox askar ah oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid iyo koox kale oo lagu soo qabtay Deyniile waxay labaduba xaqiijiyeen in shaqadaan loo diray, waxayna sheegeen xogta iyo magacyada dadka u diray falka ay ku kaceen,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan CID-da oo la hadlay Dalkaan.com.

“Saraakiishu xilliyada ay baaritaanada jiraan ma dirsadaan askarta sababtoo ah waa ogyihiin laakiin waxay dirsadaan xilliyada aysan baaritaanada jirin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka aan la hadalnay ee ka tirsan CID-da.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa dhib badan ku qaba dhac xoog leh oo habeen maalin ka socda degmooyinka gobalka Banaadir, islamarkaana sii xoogeysanayey bilihii tegay. Booliska Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay xal u helaan dhaca iyo baarashada Muqdisho. 

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here