Muqdisho (Dalkaan.com) – Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa saacadaha soo socda inay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Dalkaan.com.

Golaha ayaa saddexdan madaxweyne kala shiraya dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee doorashada ee ay qeybta ka noqdeen, kaasi oo lagu iclaamiyay doorasho hal dhinac ah.

Advertisement

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ay bar-ar taagan yihiin saddexda madaxweyne ayaa shalay warbaahinta ka hor shaaciyey inay dowladda gudo gali doonto hanaanka doorashada, xili uu mucaaridka meel adag ka taagan yahay.

Kulanka Midowga musharaxiinta iyo saddexda madaxweyne ayaa waxa kale oo uu daba socda kulan uu xalay golaha mucaaridku uu digniin uga soo saaray dhawaaqa dowladda iyo kulamo xalay Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ku dhex-maray magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Dalkaan.com u xaqiijiyey in xalay kulan saacado qaatay ay hotelka Decale ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa yimid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Rooble, oo ay garab taagan yihiin saddexdan madaxweeyne goboleed, uu ku dhowaaqay in dalka uu galayo doorasho hal dhinac ah.

Xubno ku dhow saddexda madaxweyne goboleed ayaa Dalkaan.com u sheegay inay shaki badan ka qabaan go’aankii ay habeen hore qeybta ka ahaayeen ee lagu garaay in doorasho la qabto, isla markaana ay doonayaan in xal la raadiyo.

Qoor-Qoor ayaa isagu sumcaddiisa dilay markii uu ka been sheegay mucaaradka, isaga oo ku eedeeyey inaysan usoo gudbin jawaab uu ka sugayey, halka jawaabta isaga laga sugayey, waxaana lagu wadaa in booskii waan-waanta kala wareegi doona Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa imanaya xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada doorashada oo ka dhex aloosan madaxda dowladda iyo midowga musharaxiinta, oo iyagu ka biyo diidan hanaanka doorashada.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here