Facebook

Advertisement

Baydhaba (Dalkaan.com) – Muddo ku dhow toddobaad waxaa uu qadka Internet-ka ka maqanyahay guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobalka Gedo oo dhamaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. 

Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Dalkaan.com u sheegay in Al-Shabaab ay jareen guud ahaan Internet-ka goballadaas lamana oga sababta keentay in amarkaas ay soo saaraan Al-Shabaab. 

Xubno ka mid ah maamullada gobalada iyo degmooyinka ayaa Dalkaan.com u sheegay in guud ahaan qadka ka maqanyahay islamarkaana ay Al-Shabaab jareen iyagoo amar dul dhigay shirkadaha bixiya Internet-ka ee gobaladaas. 

Al-Shabaab ma aysan faah faahin sababta ay u soo saareen amarkaan, sidoo kale maamullada shirkadaha ma aysan bixin faah-faahin ku aadan waxa ay isku haayaan iyaga iyo Al-Shabaab. 

Waqti adag ayey oo ay abaaro xoog leh ka jiraan aagaas ayey Al-Shabaab qadka gooyeen waxa uuna saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan degaanada maamuladaas. 

Xiriiro aan la sameynay shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Internet-ka ayaa sheegay in adeegyada kale ay fiicanyihiin sida wicitaanka mobilka iyo adeegyada kale ee lacagaha la isugu diro. 

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here