Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Muqdisho (Dalkaan.com) – Sida ay Dalkaan.com u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa dacwad ka gudbiyay Wiil uu dhalay guddoomiyihii la dilay ee gobolka Banaadir AUN Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Wiilkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabdirahman Cumar Yariisow ayaa hadda ah xoghayaha koowaad ee ergada Soomaaliya ee New York.

Khilaafka Danjire Abuukar Baalle iyo Diblomaasi Maxamed Eng. Yariisow ayaa ka soo bilaawday shir uu dhowaan ka qeyb galay Maxamed Cabdiraxmaan.

Abuukar Baalle ayaa la sheegay in Maxamed uu ku dacweeyay madaxda sare ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo u sheegay in aysan wada shaqeyn karin.

Sidaan oo kale ayey mar isugu dhaceen Abuukar Baalle iyo Maxamed Cabdiraxmaan Yariisow, in kastoo khilaafkaas la xaliyey bar dambe oo xogtiisu ay banaanka u baxday.

Xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaan ka soo xiganeynaa in la qorsheynayo in Maxamed Cabdiraxmaan Yariisow loo wareejiyo magaalooyinka Washington ama Geneva, midkood, maadaama Danjiraha QM Abuukar Baalle uu dalbaday in laga bedelo.

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com