Photo/Reuters

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay heshiis la gaarto daafaca kooxda Sevilla ee Jules Kounde ka hor inta uuna furmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Blues ayaa xiiso dheer u qabta xiddiga heerka caalami ee dalka France, kooxda heysata horyaalka Yurub kaliya waxaa la diiday heshiis xagaagii hore, sababtoo ah Sevilla ayaa ku adkeysaneysa in Kounde lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, mawqifkii kooxda La Liga oo hadda loolan adag ugu jiro hanashada horyaalka ayaa sii wiiqmay, iyadoo AS ay sheegtay in baahi weyn loo qabo in la isku dheellitiro qeybta dambe 2022-ka.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Chelsea ay ku guuleysan karto dalab 42 milyan ginni ah.

Chelsea ayaa door bidaysa inay heshiis la gaarto Sevilla iyo Kounde ka hor inta uusan si rasmi ah u furmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan