Facebook

Advertisement

Garowe (Dalkaan.com) – Warqad kasoo baxday maxkamadda sare ee Puntland ayaa lagu sheegay wakhtiga rasmiga ah ee la dhageysan doono kiiska la xiriira sax ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland.

Maalinta khamiista ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-December ayaa loo qorsheeyay in la dhageysto kiiska sideeda xildhibaan oo ay xasaanadda ka qaadeen golaha wakiilada Puntland.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey aheyd markii golaha wakiilada Puntland ay xasaanadda ka qaadeen sideeda xildhibaan, kuwaas oo kaga jawaabay iney 7 ka mid ah dacwad u gudbiyaan maxkamadda sare ee Puntland.

Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday waxey warbaahinta u sheegeen inaan si sharci ah looga qaadin, balse ay ka sugayaan go’aanka maxkamadda, waxeyna sidoo kale qireen iney mooshin ka wadeen gudoomiyaha Baarlamaanka.

Magacyada xildhibaanada dacwada gudbiyay:

  1. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed

2. Saleebaan Faarax Ciise

3. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato)

4. Muuse Siciid Xassan (Jajabsay)

5. Maxamuud Maxamed Barre

6. Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye)

7. Maxamuud Axmed Caalin.

Ugu dambeyntii waxaa la sugi doonaa go’aanka maxkamadda ay soo saarto maadaama ay kiiska dhageysan doonto Khamiista nagu soo fool leh oo ay taariikhdu tahay 10-ka bishaan aynu ku guda jirno.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here