Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber

Kismaayo (Dalkaan.com) – Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursiga HOP 114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana la guda-galayaa kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in maanta la qabto doorashadooda waxayna kala yihiin:-

1-Hop107 oo ay ku fadhisay Xaawo Maxamed Aadan.

2-Hop120 oo uu ku fadhiyey Cabduqaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) oo mar soo noqday Wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya.

3-Hop111 oo uu ku fadhiyey Maxamed Nuur Iftin Shambara.

4:Hop028 oo uu ku fadhiyey Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir

5: Hop093 oo uu ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Diinta & Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in tallaabadan ay qayb ka tahay fulinta heshiiskii doorashooyinka ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Facebook

Twitter

Pinterest

WhatsApp

Linkedin

Email

Print

Viber


Source: dalkaan.com