Rodri ayaa waqtigii dhimashada dhaliyay goolka guusha iyadoo Manchester City Ay guul weyn oo 2-1 ah ka gaartay 10 ciyaaryahan oo Arsenal ah.

Arsenal ayaa gool la hormartay qaybtii hore, waxaana u dhaliyey da’yarka reer England ee Bukayo Saka oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee gool ka dhaliyey Premier League sannadka cusub ee 2022,

Riyad Mahrez ayaa rikoodhe ku barbarreeyey qaybta labaad, halka uu waqtigii dheeraadka ahaa ee dhamaadka ciyaartana uu goolka guusha Manchester City u dhaliyey Rodri.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xidiga Garoonka Bukakyo Saka

Xaqiiqooyin ka Laga Diiwaangaliyay Kulanka

Guusha Man City ay gaartay maanta waxay la macno tahay inay soo gabagabeyn doonto maalinta sanadka cusub iyagoo 11 dhibcood ku hogaaminaya hogaanka horyaalka Premier League; Taariikhda tartanka, kaliya Man Utd 1993-94 iyo Man City 2017-18 (labadaba 12 dhibcood) ayaa hogaanka weyn qabtay dhamaadkii Janaayo 1-deedii hal xilli ciyaareed.

Tan iyo kulankii ugu horeeyay ee Mikel Arteta ee maalinta Boxing Day ee sanadka 2019, Arsenal ayaa dhalisay 36 gool oo Premier League ah ciyaartoy da’doodu tahay 21 ama ka yar – sideed in ka badan koox kasta oo kale.

Kaarka cas ee Gabriel ee Arsenal ayaa ku yimid laba kaar oo huruud ah 78 ilbiriqsi oo kaliya, halka sidoo kale ay ahayd markii 100-aad ee Gunners laga saaro horyaalka Premier League, kooxdii ugu horeysay ee tartankan gaarto.

Goolkii Rodri, wakhtigaas oo ahaa 92:28, waa goolkii ugu dambeeyay ee ay Manchester City ku badiso kulan Premier League ah tan iyo Gabriel Jesus v Southampton bishii May 2018 (93:01).

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan