Gool soo daahay oo Joao Moutinho ka dhaliyay Manchester United ayaa Wolves ka caawiyay inay 1-0 kaga badisay kulan ka tirsan Premier League.

Cristiano Ronaldo oo ahaa kabtanka kooxda ee kulankan iyo Edinson Cavani ayaan wax saamayn ah ku lahayn ciyaarta oo ay inteeda badan maamulanaysay Wolves, taas oo birta garaacday, isla markaana  halis badan ku haysay goolhaye David De Gea.

Xidiga Garoonka Daniel Podence

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xaqiiqooyinka laga diiwaangaliyay kulankan

Manchester United ayaa ku guul-darraysatay inay wax goolal ah ka dhaliso afar ciyaarood oo oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda Old Trafford. Waxay mar horeba dhaafeen xilligoodii ugu adkaa ee ay abaar dhinaca goolasha ahi ku dhacdo oo ahayd xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 oo saddex ciyaarood oo kala duwan aanay garoonkooda goolal ku dhalin. Waligeed kuma dhicin in afar ciyaarood aanay goolal ku dhalin qalcaddeeda riyad.

Manchester United waxay guul-darraysatay ciyaartii koowaad ee sannadka cusub markii labaad muddo saddex sannadood gudahood ah. 23kii sannadood eeka horreeyey sidan oo kale kuma aanay dhicin.

Goolka uu dhaliyey Joao Moutinho ayaa noqday midkii afraad ee waqtigan oo kale uu ka dhaliyo horyaalka Premier League, kaas oo uu ugu dabbaal-degay curashada sannadka cusub. Dhamaan afartiisa gool waxa uu ka toogtay bannaanka xerda ganaaxa. Kala-badh goolashaas waxa uu ka dhaliyey Manchester United.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan