Daafaca bidix ee kooxda Barcelona Jordi Alba ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Blaugrana ee laga helo cudurka ‘coronavirus’.

Kooxda reer Catalan ayaa dhawaan xaqiijisay in daafaca dhexe Clement Lenglet iyo daafaca midig Dani Alves ay galeen go’doon ka dib markii laga helay COVID-19.

safafka difaaca ee Xavi ayaa la kulmay dhibaato kale ka hor inta aan dib loo bilaabin La Liga ka dib fasaxii jiilaalka, iyadoo Barca ay la ciyaari doonto Real Mallorca habeenka axada.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

War qoraal ah oo lagu qoray website-ka Barca subaxnimadii Talaadada ayaa lagu yiri: “Ciyaaryahanka kooxda koowaad ee Jordi Alba ayaa laga helay COVID-19, waxaana laga saaray tababarka galabnimadii Talaadada.

Alba, oo hadda 32 jir ah, ayaa weli boos joogto ah ka heesta Barcelona xilli ciyaareedka 2021-22, isagoo diiwaan geliyay shan caawin 18 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan