tababare Xavi ayaa lagu soo waramayaa inay la soo wareegtay weeraryahanka reer Spain Alvaro Morata bisha Janaayo.

Kooxda reer Catalan ayaa wali suuqa ugu jirta shaqaale cusub inkasta oo ay 55 milyan euro ku kharash garaysay saxiixa xiddiga Manchester City Ferran Torres horaantii todobaadkan.

Morata ayaa haatan amaah ugu jooga Juventus oo uu kaga soo biiray Atletico Madrid , kooxda ka dhisan Serie A ayaana fursad u haysata inay heshiiskiisa ka dhigto mid joogto ah xagaaga soo aadan, taasoo adkeyn karta u dhaqaaqida Camp Nou.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, Marca ayaa ku warameysa in Xavi uu ka go’an yahay inuu la soo saxiixdo 29 jirkaan, kaasoo uu aaminsan yahay inuu noqon karo bartilmaameedka weerarka si ay kooxda uga caawiso inay kor u kacdo horyaalka La Liga islamarkaana ay u tartanto hanashada Europa League.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Morata uu ka fiirsanayo inuu u wareego Barca, inkastoo uu ka warqabo in wada xaajoodka u dhexeeya kooxda reer Catalonia iyo kooxda iska leh ee Atletico uu noqon karo mid adag.

Morata ayaa 23 kulan u saftay tartamada oo dhan Juventus xilli ciyaareedkan isaga oo u dhaliyay 7 gool 3 kalena caawiye ka noqday.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan