Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay degay hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa la sheegay in hotelka Naasahablood 2 oo dhow taalada Daljirka Daahsoon ay ka bilaabi doonaan abaabulka dibad-baxa la qorsheynayo in la qabto maalinta Jimcaha ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ammaanka hotelka iyo agagaarkiisa ay la wareegeen ciidamo ay wataan Xasan Sheekh & Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ayaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi, waxaana isla goobtaas ku dhow bar-koontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo xoog leh oo ka dhan ah dowladda, waxaana ay shaaciyeen inuu dhacayo dibad-baxa, iyaga oo sidoo kal ugu baaqay ciidanka ammaanka in aysan ku dhex-milmin arrimaha siyaasadda.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka loo wajahyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here