Facebook

Advertisement

Beledweyne (Dalkaan.com) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo ay xalay kooxo burcad ah ka geysteen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magcaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ragga burcadda ah ay dilka marxuumka u adeegsadeen Mindi, iyaga kadib ku baxsaday mooto ay wateen.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya.

Cabdishakuur ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, balse wuxuu ku dhintay isbitaalka, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka ee Beledweyne.

Kooxda fulisay dilkan oo haatan lagu raad-joogo ayaa dooneysay inay dhac u geysato marxuumka, balse muran kadib waxa ay tooreeyeen wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, sida dilalka qorsheysan & dhac xilliyada habeenkii ah.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here