West Ham United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso saxiixa weeraryahanka Reims Hugo Ekitike bishaan.

19-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ka soo muuqday kooxda Ligue 1 xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay sideed gool, islamarkaana isku diiwaan geliyay afar caawin 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Newcastle United ayaa la rumeysan yahay inay u aqoonsatay xiddiga reer France horaantii suuqan, halka Chelsea ay sidoo kale xiiseyneysay

Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports News ayaa ku warameysa in Hammers ay haatan wadahadalo kula jiraan Reims saxiixa Ekitike ka hor maalinta Isniinta ee 11pm.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Reims uu ku dalbanayo qiimo ka badan €30m (£24.9m)  kaasoo weli qandaraaskiisa uga harsan yahay labo sano iyo bar.

Tababaraha West Ham David Moyes ayaa doonaya inuu kooxdiisa ku xoojiyo fursadaha weerarka, si uu tartan dheeri ah ugu galo Michail Antonio , kaasoo ah lambarkooda kaliya ee la aqoonsan yahay ee sagaalaad.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan