Weeraryahanka kooxda Chelsea Romelu Lukaku ayaa gaaray dalka Talyaaniga ka hor inta uusan amaah ugu biirin kooxda Inter Milan .
Weeraryahanka Belgian ayaa 97.5 milyan ginni dib ugu soo laabtay Stamford Bridge xagaagii hore isagoo ka yimid Inter.
Laakin waxa ay u aheyd olole aad u xun 29 jirkaan madaama uu aruursaday kaliya 16 kulan oo Premier League ah.
Heshiiska ayaa la rumeysan yahay inuu ku kacayo 7 milyan ginni, inkastoo Inter aysan wax shuruud ah ku xirin ama aysan ku jirin wax iib ah.
Ka dib markii uu yimid Milan subaxnimadii Arbacada, Lukaku ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Waan ku faraxsanahay inaan halkan joogo.”
Lukaku ayaa dhaliyay 24 gool oo Serie A ah xilli ciyaareedkii 2020/21 xilli Inter ay soo afjartay 11 sano oo ay sugaysay si ay u hanato Scudetto.
Wararka kale ee ku dhaafay
Source: dalkaan