Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo ah halka ay degan yihiin safaaradaha dalalka caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ilo-wareedyo ku sugan xerada ayaa Dalkaan.com u sheegay in qiyaastii 6 hoobiye ay kusoo dhaceen gudaha xerada. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyo halka ay si gaar ah ugu dhaceen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa horey xerada Xalane ugu qaaday weerar hoobiyeyaal ah oo dhaliyey khasaare burbur iyo mid nafeed.

Xerada ayaa la filayaa inay dhowaan marti-geliso kulan ay goobjoog ka tahay beesha caalamka oo dhex-mari doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, kulankaas oo looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray ilaalada madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo isna la filayo inuu saacadaha soo socdo soo gaari doono magaalada, si uu uga qeyb galo shirkaas.

Naga filo faah-faahin dhowaan, Inshga Allah. 

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here