Facebook

Advertisement

Muqdisho (Caasimada Onine) – Warar dheeraad ah ayaa kasii baxaya weerar hoobiyeyaal ah oo markale maanta lagu qaaday xerada Xelane ee magaalada Muqdisho.

Ilo deegaanka ayaa innoo sheegaya in hoobiyeyaasha ay gaarayeen illaa saddex madfac, kuwaas oo qaarkood ku hoobtay xaafadaha ku dhow xerada Xanale oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, safaarado, hay’ado, sidoo kalena ay joogaan madax goboleedyada.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa uu ku dhintay hoobiyeyaashaasi, kaas oo lagu magcaabi jiray, Maxamed Amiin.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inay dhaawacyo soo gaareen ku dhowaad illaa 5 qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambye tegay goobaha ay ku dhaceen madaafiicda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey agagaarka xeyndaabka Xalane.

Waa markii labaad oo hoobiyeyaal lagu weerarayo xerada Xalane, tan iyo markii ay soo gaareen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga soo horjeedo hanaanka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso doorashooyinka 2021-ka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here