Aktarada Alia Bhatt ayaa la shaqeyneysay dhawaanahaan Sanjay Leela Bhansali . Waxay ahayd inay duubto filmka Inshallah oo ay la wado Salman Khan laakiin filimka ayaa hakaday duruufo jira awgood.

Advertisement

Wax yar kadib, filim sameeyaha leela bhansali ayaa ku dhawaaqay filmka gangsterka ah Gangubai Kathiawadi oo duubis lagu bilaabay bishii Diseembar sanadki hore 2019. Muuqaalka ugu horeeya wuxuu abuuray buuq badan laakiin durba duubistii ayaa joogsatay bishii Maarso ka dib markii uudhashay cudurka faafa ee coronavirus.

In ka badan lix bilood ka dib, Alia waxay dib u bilawday duubista filimka Oktoobar 7. Hadda, sanad kad8b shaqada filmka markuu gabagaboobmay, filimka waxaa kudhagay sharciga hindia.

Babuji Rawji Shah, oo lagu sheegay inuu yahy mid kamid ah ilmihi Gangubai ayaa dacwad ka gudbiyay atariishada, filimsameeyaha, iyo Hussain Zaidi oo ah qoraaga sheekada Mafia Queen of Mumbai ee filimka lagu matalayo. Shah wuxuu ku andacooday in qaybo ka mid ah sheekada filmka ay yihiin kuwo sumcad darro iyo xadgudub ku ah, xorriyadiisa, iyo is-ixtiraamka loohaayo.

Wuxuu dalbaday in la joojiyo filmka; sidoo kale waxuu codsaday in cutubyada laga saaro buugga lana xakameeyo xayeesiinta filmka. Dhageysiga koowaad ee kiiska wuxuu ka dhacay maxkamada madaniga ah ee mombai iyadoo eedeysanayaashuna ay tahay inay soo jawaabaan ugu dambeyn 7-da Janaayo.

Sida laga soo xigtay warbixinnada, qareenka Shah ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu fayl gareeyo dacwad ciqaab ah oo ka dhan ah Alia Bhatt, Sanjay Leela Bhansali, iyo qoraaga Hussain Zaidi oo kusheegay inee sumcada kadileen, sidokalana matalaad aan fiicnayn ku metelay haweenka.

Shah wuxuu ku andacooday in lagu dhibaateynayo deegaankiisa tan iyo markii boorarka iyo xayeysiinta filmka banaanka la soo dhigay. Wuxuu sheeganayaa inuu xitaa jab ka soo gaadhay lugta. Shah wuxuu kaloo sheeganayaa in qoyskiisa iyo eheladiisa sidoo kale la dhibaateeyo waxaana loogu yeeray ‘ qoyska dhillooyinka ah’.

Gangubai Kathiawadi waa nagaca filmka, Gangubai, oo lagu xasuusto inay tahay Marwadii Kamathipura ee bogagga taariikhda gashay, ayaa lagu sheegay inee dhillaysi samee jirtay yaraanteedii, markii dambena waxee noqatay burcad. Intaasoo dhan waxaa matali doonta alia bhat

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here