Waxaan horey idin kula wadaagnay xidiga la wada jecel yahay Kartik Aaryan filimkiisa xiga Dhamaka inuu kusoo gaba gabeeyay jadwal 10-maalmood ah ayadoo marka hore la qorsheeyay in 14-maalmood lagu duubo filimkan oo gabi ahaantiisa hal Hotel ku yaalo magaalada Mumbai lagu duubay bishii December ee dabyaaqadii sanadka hore.

Advertisement

Kartik Aaryan filimka Dhamaka wuxuu ku jilaa joornaaliste dambi baare ah sidoo kalena kiis dil xasaasi ah baarayo waxaana la qorsheenaa in dhawaan Online ahaan loo daawado sida la isla dhex maraayo ee tiyaatarada lama saari doono.

Haddaba waxaan idiin heynaa 6-filim ee taariikh ahaan waqtiga ugu yar ama maal maha ugu yar Bollywood-ka ku duubeen ayadoo liiskan hogaanka u haayo filimka Dhamaka oo ay adag tahay iskoorkan in lagala wareego:

Article 15 filimkan Ayushmann Khurrana hogaamiye ka yahay ee 2019 la daawaday waxaa lagu duubay jadwal 39-maalmood wuxuuna noqday HIT markii tiyaatarada la saaray.

Housefull 3 filimkan taxanaha shactirada badan ee Akshay Kumar lagu bartay waxa la daawaday 2016 wuxuu noqday HIT sidoo kalena jadwal 38-maalmood ayaa lagu duubay.

Jolly LLB 2 & Tanu Weds Manu Returns labadan filim min 30-maalmood jadwal ah ayaa lagu duubay, Jolly LLB 2 waxaa hogaamiye ka ahaa Akshay Kumar 2017 ayaa la daawaday wuxuu noqday HIT halka Tanu Weds Manu Returns hogaamiye ka ahayd Kangana waxaa la daawaday 2015 wuxuuna noqday Blockbuster.

Gulabo Sitabo waxaa wada jileen Amitabh Bachchan iyo Ayushmann Khurrana  waxaa lagu duubay jadwal 22-maalmood ah waxaana Online ahaan barta Amazon Prime Video looga daawaday sanadkii hore.

Haraamkhor waxaa hogaamiyaal ka ahaayeen Nawazuddin Siddiqui iyo Shweta Tripathi waxaa lagu duubay jadwal 16-maalmood ah waxaana la daawaday 2015 asigoo ganacsi ahaan guul dareestay.

Dhamaka waxaa hogaamiye ka ah Kartik Aaryan jadwal 10-maalmood ah ayuu ku duubay waxaana la daawan doonaa dhawaan ayadoo Online ahaan loo daawan doono barta Netflix ayay u badan tahay in laga daawan doono.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here