Muqdisho (Dalkaan.com) – Dr. Mutlaq bin Majed al-Qahtani, oo ah Ergeyga gaar ah ee dowladda Qatar usoo dirtay Soomaaliya, ayaa dadaallo ka billaabay magaalada Muqdisho oo uu xalay soo gaaray, kadib markii uu safarkiisa shalay ka billaabay magaalada Hargeysa.

Dr. Mutlaq ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Balal Maxamed Cusman oo sheegay “in ergeygaan gaarka ah uu kaalin ka qaadan doono dhex-dhexaadinta khilaafka siyaasadeed iyo xoojinta la dagaalanka argagixisada”.

Advertisement

Ergeyga cusub ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doona dhinacyada kala duwan ee siyaasadda dalka isku haya, gaar ahaan mucaaridka iyo xubno ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo isku haya hanaanka doorashada.

Sida ay Dalkaan.com u sheegen xubno ka agdhow Musharaxiinta, Dr Mutlaq al-Qahtani ayaa waxa uu caawa kulan gaar ah la qaadan doona Midowga Musharaxiinta, kaasi oo ka dhacaya hotelka Decale ee gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Al-Qahtani ayaa waxa hogaamiyeyaasha mucaaridka kala hadli doona dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khilaafka ragaadiyey dalka ee doorashada oo kal hore gaaray gacan ka hadal.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii u horeeyay ee noociisa oo Mas’uul sarre oo ka socda dowladda Qatar uu la qaato Mucaaridka dowladda, tan iyo intii ay kasoo dabacday sida la fahamsan yahay mowqifkii halka dhinac ahaa.

Si kastaba, dowladda Qatar ayaa dadaal balaaran ugu jirta sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex-dhexaad ka tahay xiisada doorashada ee dalka, islamarkaana aysan jirin koox gaar ah oo la safan tahay, xili muddooyinkii dambe lala xiriiriniyey madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here