Facebook

Advertisement

Dhuusamareeb ( Dalkaan.com ) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka Dhuusamareeb ayaa haatan ka socota magaaladaasi, kaas oo lagu wado inuu furmo gelinka dambe ee maanta.

Dhuusamareeb waxaa xalay ku hoyday madaxweyanaha Soonaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, iyo saddexda madaxweyne gobleed ee taabacsan dowladda, sida HirShebelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug  oo marti loo yahay.

Sidoo kale madaxda ku sugan Dhuusamareeb ayaa xalay yeeshay kulan horudhac u ahaa shirweynaha maanta ka furmaya gudaha magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale caasimadda Galmudug saacadaha soo socda ku sii jeeda Axmed Madoobe, Deni iyo Cumar Filish oo iyaguna ka qeyb-galaya shirka wada-tashiga ee doorashada.

Sida qorshuhu yahay waxaa shirkan xal kama dambeys ah looga gaarayaa xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka, gaar ahaan tabashada ay qabaan maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Si kastaba xaaladda dalka ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb iyo natiijada  kasooo bixi doonta.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here