Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Christian Pulisic ayaa loo arkaa mid miisaan culus ku yeelan kara dadaalka ay Chelsea ku doonayso inay kula soo wareegto daafaca Juventus Matthijs de Ligt, Daily Mail

kooxda chelsea isku diyaarinayso in ay kor u qaado xiisaha ay u qabto Cristiano Ronaldo kadib markii ay shaaca ka qaadeen in xiddiga reer Portugal uu raadinayo qaab uu uga tago kooxda Man United. Wargayska The Athleti

Arsenal ayaa ku dhibtoonaysa sidii ay u heli lahayd koox iibsata Nicolas Pepe, sidaas waxaa qortay The Sun.

Milan ayaa wadahadalo kula jirta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa Douglas Luiz, sida ay ogaatay GOAL

Christian Eriksen iyo Manchester United ayaa gaaray heshiis afka ah sida ay qortay The Athletic

Ajax iyo Tottenham ayaa heshiis ka gaaray saxiixa Steven Bergwijn, heshiis ku kacaya 30 milyan euro (£ 25m). Sida laga soo xigtay De Telegraaf , 

Manchester United ayaa sare u qaaday baacsiga ay ku dooneyso daafaca Ajax Lisandro Martinez ka dib markii ay la kulmeen agaasimaha cusub ee kubada cagta ee kooxda reer Holland, sida laga soo xigtay Mirror .

Daaficii hore ee Milan Alessio Romagnoli ayaa ka fiirsanaya dalab uga yimid Premier League gaar ahaan Fulham – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Daafaca dambeedka midig ee Inter Denzel Dumfries ayaa qarka u saaran inuu iska diido u dhaqaaqista Manchester United – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Wararka kale ee ku dhaafay


Source: dalkaan