Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Inter ayaa xaqiijisay inay amaah kula soo wareegtay Romelu Lukaku oo ay kala soo wareegeen Chelsea, iyadoo weeraryahanka uu kasoo garab muuqday madaxweynaha kooxda Goal

Arsenal, Chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood baacsanaya saxiixa daafaca Torino Bremer – sida laga soo xigtay 90min .

Flop-ka Real Madrid Luka Jovic ayaa qarka u saaran inuu dhameystiro u dhaqaaqista Fiorentina – sida laga soo xigtay Sky Italia .

Atletico Madrid ayaa wadahadalo la furtay Arsenal oo ku aadan daafaca reer Spain ee Hector Bellerin – sida laga soo xigtay Eldesmarque .

Inter ayaa diyaar u ah inay iska iibiso weeraryahanka Bosnia Edin Dzeko xagaagan – sida laga soo xigtay Calciomercato .

Lazio ayaa wadahadalo kula jirta daafaca Real Madrid Mario Gila – sida laga soo xigtay Marca .

Chelsea ayaa xiiseyneysa dhowr dookh oo daafaca dhexe ah oo ay ku jiraan Matthijs de Ligt, Milan Skriniar, iyo daafaca Manchester City Nathan Ake, iyadoo Blues ay dooneyso inay buuxiso boosaska ay ka tageen Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen. Sida laga soo xigtay TalkSport , 

Ka dib markii uu dhaliyay 17 gool, islamarkaana 5 caawin ka sameeyay Serie A xilli ciyaareedkii hore, Giovanni Simeone ayaa isha ku haya dhowr kooxood oo Yurub ah, iyadoo Sevilla iyo Villareal ay yihiin kuwa ugu sareeya saxiixiisa, GOAL 

Borussia Dortmund ma soo dhaweyn doonto dalabyada ka hooseeya € 120 (£ 103m / $ 126m) ee ku aadan 19-jirka Jude Bellingham.Sida laga soo xigtay Sport Bild, 

Wararka kale ee ku dhaafay


Source: dalkaan