Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Newcastle United ayaa kalsooni sii kordheysa ku qabta inay lasoo saxiixato daafaca reer England Kieran Trippier, oo 31 jir ah, kaasoo ka imaanaya Atletico Madrid bisha soo socota. (FootballInsider)

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa sheegay inuu la xiriiri doono Pierre-Emerick Aubameyang ka dib markii weeraryahanka Gabon, oo 32 jir ah laga xayuubiyay kabtanimada Arsenal . (Mirror)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa u furan dalabyo ku aadan Aubameyang laakiin Gunners ayaa laga yaabaa inay sugto ilaa xagaaga si ay u ogolaato inuu baxo maadaama ay doorbidayaan inay marka hore keenaan bedelkiisa. (Dailymail)

Tababaraha Tottenham Antonio Conte ayaa isku dayaya inuu lasoo saxiixdo 30-jirka weerarka uga ciyaara xulka qaranka Talyaaniga Lorenzo Insigne, kaasoo qandaraaskiisa Napoli uu dhacayo xagaagan. (Football Italia)

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo 21 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland. (Sports)

Manchester City ayaa xiiseyneysa Haaland laakiin waxaa laga yaabaa inaysan dooneynin inay qarashgareyso lacag ku filan xidigan si ay u hesho. (Manchester Evening News)

Arsenal , Tottenham iyo Manchester United ayaa qarka u saaran inay u dhaqaaqaan 21 sanno jirka weerarka uga ciyaara Serbia Dusan Vlahovic ka dib markii uu diiday “qandaraaska ugu sarreeya taariikhda Fiorentina “. (Talksport)

Daafaca reer Germany ee kooxda Chelsea Antonio Rudiger oo 28 jir ah, oo lix bilood uga hadhsan tahay qandaraaskiisa, ayaa xaqiijiyay inuu ku fikirayo inuu ka tago kooxda ka hor inta aan Thomas Tuchel loo magacaabin tababaraha bishii Janaayo. (Mirror)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in daafaca reer England Joe Gomez, oo 24 jir ah, uusan ku biiri doonin Aston Villa suuqa Janaayo. (Express)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig Amadou Haidara, oo 23 jir ah, ayaa dabka ku sii shiday wararka xanta ah ee lala xiriirinayo Manchester United ka dib markii uu ammaanay maamulaha ku meel gaarka ah ee kooxda Ralf Rangnick. (Express)

West Ham ayaa ka mid ah kooxaha reer Yurub ee xiisaynaya saxiixa 24-jirka Feyenoord ee daafaca reer Argentina Marcos Senesi. (90min)

Weeraryahanka Inter Milan Alexis Sanchez, oo 32 jir ah, ayaa laga yaabaa inuu amaah ugu laabto Barcelona , iyadoo 31 jirka weerarka uga ciyaara ee Luuk de Jong, kaasoo hadda amaah kula jooga Barca kana yimid Sevilla , uu u wareegayo Inter. (Sports)

Daafaca Nat Phillips, oo 24 jir ah, ayaa isku diyaarinaya inuu ka tago Liverpool bisha Janaayo si uu u raadiyo kubad joogto ah. (Liverpool Echo)

Juventus ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka reer Argentina Mauro Icardi, oo 28 jir ah, kana tirsan Paris St-Germain .(Football Italia)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan