Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid ayaa isha ku haysa xaalada Man United ee Cristiano Ronaldo iyaga oo qaba inay bisha January la saxeexan karaan 36 sano jirkaas kaddib imaatinka kooxda ee tababare Ralf Rangnick. (Football Insider)

Manchester United tababaraheeda kumeel gaadhka ah ee Rangnick ayaa kooxda kula taliyay inay indho-indhayn ku samayso khadadka dhexe ee kala ah Amadou Haidara oo RB Leipzig qayb ka ah, Jude Bellingham oo Dortmund ka tirsan iyo xiddiga Leeds United ee Kalvin Phillips. (ESPN)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Chelsea ayaa isha ku haysa inay u dhaqaaqdo saxeexa daafaca dhexe ee Leicester City ee Wesley Fofana xilli aysan Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen wax heshiis kordhin ah wali samayn. (Goal)

Rudiger ayaa noqonaya mid kamida daafacyada ugu mushaharka badan dunida haddii uu go’aansado inuu Chelsea ka tago iyagoo kooxaha Yurub qaarkood doonayaan inay afar jibaaraan mushaharkiisa haatan. (DailMail)

Brighton ayaa kusii dhawaanaysa inay 20 Milyan oo pound kula saxeexato weeraryahanka kooxda Blackburn Rovers ee  Ben Brereton Diaz. (Mirror)

Liverpool ayaa diyaar u ah bixinta lacagta 50-ka Milyan ee pound ah ee lagu jabin karo heshiiska khadka dhexe ee Barcelona ee Gavi. (El Nacional)

Newcastle United, Barcelona, Arsenal iyo Paris St-Germain ayaa ah kooxaha ku tartamaya saxeexa weeraryahanka uu wakiilkiisu sheegay inuu ka baxayo Man United bisha January ee Anthony Martial. (Mirror)

Barcelona madaxweynaheeda Joan Laporta ayaa sheegay in kooxdu ay jihadii saxda ahayd u socoto isla markaana ay saxeexyo cusub kusoo xoojin doonaan. (Marca)

Barcelona ayaa heshiiska ay Man City kaga doonayso Ferran Torres gaadhsiisay 45 Milyan oo euro oo lagu daray 15 Milyan oo euro oo gunnooyin ah. (Sport)

Barcelona ayaa sidoo kale qiimaynaysa fursada ay suuqa xagaaga dambe kula saxeexan karto daafacyada Chelsea heshiiskoodu dhacayo ee Rudiger, Christensen iyo Cesar Azpiliceuta, 32. (Mirror)

Ramsey ayaa xiisaynaya inuu Juventus iskaga tago suuqa January waxaana doonaya Everton iyo Newcastle United. (Football Italia)

Manchester City ayaa xiisaynaysa 21 sano jirka daafaca bidix ee kooxda Arsenal ee Nuno Tavares oo wacdarro dhigay tan iyo markii uu Benfica kaga yimid xagaagii. (Metro)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay 80 Milyan oo euro ku dalbato weeraryahanka Fiorentina ee Dusan Vlahovic. (Metro)

Arsenal ayuu cadaadis ku saaran yahay inay iska iibiso Ainsley Maitland-Niles oo ka cadhaysan ciyaaris la’aanta wali kooxda ku haysata. (DailMail)

Tottenham garabkeeda weerar ee Steven Bergwijn ayaa u furan inuu Ajax ku biiro January kaddib markii uu qorshaha tababare Antonio Conte soo gali waayay. (Football-Oranje)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan