Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Borussia Dortmund madaxeeda Hans-Joachim Watzke ayaa shaaciyay in kooxda Real Madrid ay aad u xiisaynayso saxeexa weeraryahankooda Erling Haaland. (Bild)

Real Madrid ayaa ku riyoonaysa inay weerarka kooxdeeda ku midayso Haaland iyo Kylian Mbappe oo ay isaga wadahadalo hordhac ah lasii gali karto bisha January. (Fichajes)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Manchester City ayaa heshiis cusub ku abaalmarinaysa Bernardo Silva oo qaab ciyaareed heer sarre ah ku jira xilli ciyaareedkan iyaga oo laba jibaaraya mushaharkiisa. (Sun)

Fernandinho ayaa u muuqda mid Man City sii joogaya suuqa January kaddib maadaama heshiiskii ay ku doonaysay Atletico Mineiro uu u muuqdo mid meesha ka baxaya. (Sport Witness)

Fiorentina weeraryahankeeda Dusan Vlahovic oo lala xidhiidhinayay kooxo ay kamid yihiin Man City, Arsenal iyo Newcastle ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay ee kooxdiisu heshiis cusub kaga doonayso. (Fabrizio Romano)

Atletico Madrid ayaa daafaca midig ee Kieran Trippier ugu fasixi doonta Newcastle United lacag 15 Milyan oo pound ah haddii ay bedelkiisa la saxeexdaan. (Mail)

Barcelona ayaa saxeexa Philippe Coutinho u bandhigtay Tottenham iyo Newcastle. (Goal)

Newcastle ayaa sidoo kale tijaabin doonta xaalada daafaca bidix ee Everton ee Lucas Digne oo aan ku faraxsanayn kooxda. (CaughtOffside)

Chelsea ayaa isha ku haysa heshiis ay kula saxeexanayso khadka dhexe ee Ruben Neves oo ka tirsan kooxda Wolves. (TodoFichajes)

Paul Pogba ayaa ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Man United isla markaana kooxda ka tagi doona January, Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa 28 sano jirkaas oo heshiiskiisa Old Trafford dhacayo xagaaga dambe. (Football Insider)

Juventus ayaa xiisaynaysa weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang oo ay marka hore amaah ku rabaan kahor inta aysan heshiiskiisa rasmi ka dhigin bisha June. (Tuttosport)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan