Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Newcastle ayaa Tottenham wax ka weydiisay arrimaha Dele Alli oo ay Spurs dhagaysan doonaan dalabaadka u imanaya suuqa January. (Teamtalk)

Manchester United ayaa raadinaysa bedelada khadka dhexe ee Paul Pogba oo ay macquul tahay inuu bixi doono xagaaga ddambe marka heshiiskiisu dhaco. (Telegraph – subscription required)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Atletico Madrid ayaa baadhaysa suurogalnimada ay Manchester United heshiis ciyaaryahano Anthony Martial. (Eurosport)

United ayaan rajaynayn in Jesse Lingard oo galaya lixdii bilood ee ugu dambeeyay heshiiska kooxdu uusan bixi doonin suuqa January. (Manchester Evening News)

West Ham ayaa diyaar u ah inay riixdo heshiiska ay suuqa January ku doonayso daafaca dhexe ee Liverpool ee Nat Phillips  walow uu dhawaan dhaawac gaadhay. (Standard)

Fiorentina ayaa lacag 100 Milyan oo euro ah ku xidhay iibka weeraryahan Dusan Vlahovic. (Gazzetta dello Sport – subscription required)

West Ham ayaa isha la raacaysa saxeexa weeraryahanka kooxda New York City ee Valentin Castellanos. (Mail)

Paris St-Germain, Barcelona, Liverpool, Manchester City iyo Tottenham ayaa dhammaantood isha ku haya saxeexa daafaca bidix ee kooxda Wolves ee Rayan Ait-Nouri.(Mail)

Barcelona ayaa qorshaynaysa inay dalbato daafaca bidix ee kooxda Chelsea ee Ian Maatsen oo 19 sano jir ah kaas oo qaab amaah ah ugu maqan Coventry. (Football Insider)

Leicester City ayaa xiisaynaysa saxeexa 22 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Swansea ee Joel Piroe. (Swansea Independent)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan