Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus ayaa ogolaatay inay la soo wareegto 21-jirka reer Serbia ee weerarka uga ciyaara kooxda Fiorentina Dusan Vlahovic, kaasoo lala xiriirinayay Arsenal, waxaana ay kula soo wareegeen 62.4 milyan ginni. (Guardian)

Liverpool ayaa 37 milyan ginni iyo 12 milyan oo ginni kula soo wareegeysa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Porto ee Luis Diaz . (Ojogo)

Porto ayaa diiday dalab kan la mid ah oo ay Tottenham ka gudbisay 25 jirkaan, kaasoo lagu burburin karo 66 milyan ginni Heshiiskiisa. (Evening Standard)

Wolves ayaa kalsooni ku qabta inay sii haystaan ​​24 jirka reer Portugal ee Ruben Neves ilaa ugu yaraan xagaaga inkasta oo ay xiiseynayaan Manchester United iyo Arsenal . (Sun)

Tottenham ayaa xiiseyneysa 25-jirka Bayern Munich goolhayaha Jarmalka Alexander Nubel, kaasoo haatan amaah kula jooga Monaco . (Goal)

Paris St-Germain ayaa ku sii dhawaanaysa inay amaah kula soo wareegto 25 jirka khadka dhexe ee kooxda Tottenham ee Tanguy Ndombele. (Telegraph)

Rangers ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee 20 jirada James McAtee amaah. Southampton, Brighton, Aston Villa iyo Leicester ayaa sidoo kale xiiseynaya 19 jirkaan. (Teamtalk)

Newcastle United ayaa dhameystirtay heshiis 24-sano jir ah oo khadka dhexe ee Brazil Bruno Guimaraes kaga soo biiray Lyon , waxayna ku soo iibsatay 30 milyan ginni. (Talksport)

Tababaraha Roma Jose Mourinho ayaa weli rajo ka qaba in kooxda Serie A ay la soo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Arsenal iyo Switzerland Granit Xhaka, oo 29 jir ah, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ee Janaayo. (Daily mail)

Labada bartilmaameed ee ugu sarreeya West Ham ee suuqa kala iibsiga ee Janaayo waa 20-jirka Albania ee weerarka uga ciyaara Armando Broja, kaasoo amaah ugu jooga Southampton oo ka yimid Chelsea iyo 22-jirka reer Chile Ben Brereton Diaz, kaasoo u ciyaara Blackburn Rovers. (FootballInsider)

Everton, Leeds United iyo Wolves ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixa Broja, kaasoo Southampton ay dooneyso inay ka fogaato ololaha hadda socda. (Teamtalk)

Aston Villa ayaa diiday dalab 30 milyan ginni ah oo ay koox aan la magacaabin oo Premier League ah ku doonaysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Douglas Luiz. Arsenal ayaa ku fikiraysa in ay u dhaqaaqdo 23 jirkan laakiin looma malaynayo in ay tahay kooxdii dib u soo celisay dalabka. (Evening Standard)

Baacsiga Arsenal ee Cody Gakpo, oo 22 jir ah, ayaa sugi doona ilaa ugu yaraan suuqa kala iibsiga xagaagan xilli PSV Eindhoven ay Holland ku xidhay heshiis kordhin. (Daily mail)

Arsenal ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso goolhayaha United States Matt Turner, oo 27 jir ah, kana tirsan kooxda Major League Soccer ee New England Revolution xagaaga. (Sport)

Aston Villa, Everton iyo Leicester City ayaa isha ku haya xaalada 29 jirka reer England ee Jesse Lingard, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United uu burburay heshiiskii Newcastle United . (Manchester Evening News)

Barcelona ayaa xiriir la sameysay Borussia Dortmund iyadoo dooneysa 30 jirka daafaca midig ee Belgium Thomas Meunier kaasoo amaah uga yimid kooxda Jarmalka. (Marca)

Chelsea ayaa u soo bandhigtay Lyon 3 milyan ginni oo magdhow ah si ay u soo celiyaan daafaca bidix ee Italy Emerson Palmieri, oo 27 jir ah, xilli hore oo amaah ah oo uu ku joogay kooxda Faransiiska laakiin waxaa laga diiday isku daygoodq. ( Athletic)

Ashley Young oo ka tirsan Aston Villa oo u ciyaari kara daafac ama garab ayaa iska diiday inuu u dhaqaaqo Newcastle United, iyadoo 36 jirka reer England uu doonayo inuu sii joogo Villa Park. (Mirror)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan