Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

West Ham United ayaa dalab 50 Milyan oo pound ah ka gudbisay khadka dhexe ee Leeds United ee Kalvin Phillips. (Sun on Sunday)

Leeds ayaa diiday dalabkii West Ham ee 40-ka Milyan ee pound oo lagu daray 10 Milyan oo shuruudo ku xidhan ahaa ee ay ku doonaysay garabka weerar ee Raphinha. (90 Min)

Borussia Dortmund weeraryahankeeda Erling Braut Haaland ayaa doonaya inuu sugo si uu u ogaado kahor inta uusan mustaqbalkiisa go’aan ka gaadhin haddiiba ay Barcelona awoodo saxeexiisa. (Star)

Manchester City ayaa xagaaga dhagaysan doonta dalabaadka u imanaya Raheem Sterling haddii ay awoodi waayaan inay ka saxeexdaan heshiis cusub oo dhaafsan midkiisa haatan ee 2023 ku eeg. (Star)

Ousmane Dembele oo heshiiskiisa Barcelona dhacayo xagaaga ayaa rajaynaya inuu dhammaystiro ku biirista qandaraaska koox Premier League ah xilli ay laba kooxood oo horyaalkaas ah oo aan la magacaabin saxeexiisa doonayaan. (Mail)

Barcelona ayaa heshiis buuxa la gaadhay weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang balse kaliya la saxeexan doonta hadii uu Dembele ka baxo oo kaliya. (Gerard Romero, via Metro)

Atletico Madrid ayaan weeraryahankeeda Alvaro Morata oo amaah ugu maqan Juventus u ogolaan doonin inuu ku biiro kooxda ay La Liga ku xifaaltamayaan ee Barcelona. Arsenal, Newcastle United iyo Tottenham ayaa 29 sano jirkaas xiisaynaya. (Sport, via Mail)

Everton ayaa Crystal Palace kula biirtay tartanka saxeexa khadka dhexe ee Donny van de Beek oo amaah kaga baxaya Manchester United. (Athletic – subscription required)

Manchester United ayaa u ogolaan doonta Donny van de Beek inuu doorto kooxda uu ku biirayo haddiiba shuruudahooga la buuxiyo.(90 Min)

River Plate ayaa qorshaynaysa inay Julian Alvarez oo kaga biiraya dhinaca kooxda Man City xagaaga ku bedesho weeraryahanka Man United ee Edinson Cavani. (Mirror)

Tottenham ayaa 30 Milyan oo euro oo gunnooyin lagu daray u bandhigtay Juventus oo ay ka doonayso saxeexa Rodrigo Bentancur oo sidoo kale lala xidhiidhinayay Aston Villa. (Gianluca di Marzio, via 90 Min)

Brighton ayaa xiisaynaysa weeraryahan Deniz Undav oo ka tirsan kooxda horyaalka Belgium hoggaaminaysa ee Union St Gilloise. (The Argus)

Newcastle ayaa dalabkeedii daafaca dhexe ee Dan Burn gaadhsiisay 10 Milyan oo pound balse Brighton ayaa diiday oo doonaysa 12 ilaa 15 Milyan oo pound. (Sky Sports)

Arsenal ayaa dalabkii labaad ka diiday Crystal Palace oo ka doonaysa weeraryahan Eddie Nketiah oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo.(Sky Sports)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan