Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa laga soo diiday dalab ku dhow 38 milyan ginni oo ay ku doonaysay garabka Porto iyo xulka Colombia ee Luis Diaz, oo 25 jir ah (Guardian).

Aston Villa ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus iyo Uruguay Rodrigo Bentancur, oo 24 jir ah (footballInsider).

Newcastle ayaan la soo saxiixan doonin daafaca reer Brazil Diego Carlos xilli Sevilla ay go’aansatay inay sii haysato 28 jirkaan. (Fabrizio Romano)

Amaahda Jesse Lingard uu ugu wareegayo Newcastle ayaa qarka u saaran inuu burburo sababtoo ah Magpies ayaan dooneynin inay bixiso lacagta amaahda ah ee ay Manchester United ku dooneyso 29 jirka weerarka uga ciyaara England. (Sport)

Magpies ayaa dalab 30 milyan ginni ah ka gudbisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon iyo xulka Brazil ee Bruno Guimaraes oo 24 jir ah (Guardian).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paris St-Germain iyo Netherlands Georginio Wijnaldum, oo 31 jir ah, ayaa u furan inuu u dhaqaaqo Arsenal . (Sky Sports)

Liverpool iyo Manchester City ayaa ah kooxaha aadka u xiiseynaya saxiixa 24 jirka Leicester iyo Belgium ee Youri Tielemans. (Leicester Mercury)

Juventus ayaa heshiis la gaartay weeraryahan Dusan Vlahovic oo ka tirsan Fiorentina , taasoo soo afjareysa fursad kasta oo Arsenal ay ku soo jiidan lahayd 21 jirka reer Serbia ee Emirates Stadium. (Goal)

Everton ayaa xiiseyneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham iyo France Tanguy Ndombele, 25. (Sky Sports).

Brighton ayaa isha ku haysa xiddiga khadka dhexe ee Tottenham Dele Alli iyaga oo doonaya in ay amaah ugu dhaqaaqaan 25 jirkan, laakiin Burnley, Everton iyo Newcastle ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa xiddiga reer England. (Dailymail)

Southampton ayaa sidoo kale ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo Alli. (Telegraph)

Burnley ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Dinamo Zagreb iyo Croatia Mislav Orsic oo 29 jir ah (Sky Sports).

Weeraryahanka Everton Dominic Calvert-Lewin, 24, khadka dhexe ee Wolves Ruben Neves, 24, iyo Aston Villa Douglas Luiz, 23, ayaa ku jira liiska ciyaartoyda doonaya suuqa kala iibsiga ee uu soo diyaariyay tababaraha Arsenal Mikel Arteta. (Sport)

Brentford ayaa kordhisay dalabkooda ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Nottingham Forest Brennan Johnson, 20 jirka reer Wales waxaa sidoo kale isha ku haya Newcastle . (Independence)

West Ham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Croatia iyo Marseille Duje Caleta-Car, laakiin waxaa meesha ka saaraya 20 milyan ginni oo ay ku doonayaan 25 jirkaan. (Talksport)

Milkiilaha Everton Farhad Moshiri ayaa ku gacan seyray guddiga Toffees si ay ugu cadaadiyaan magacaabista Vitor Pereira ee tababaraha, iyadoo madaxda kooxda ay doonayaan inay waqtigooda qaataan ka hor inta aysan go’aan gaarin. (Mirror)

Newcastle ayaa waayi doonta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Robin Gosens iyadoo Juventus ay u muuqato inay la soo saxiixaneyso 27 jirka reer Germany. (Goal)

Goolhayaha Arsenal Bernd Leno, oo 29 jir ah, ayaa riixaya inuu ka tago Emirates, iyadoo Newcastle ay xiiseyneyso inay amaah kula soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka. (Football.london)

AC Milan ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang. 32-jirka weerarka uga ciyaara Gabon ayaa la sheegay inuu diiday dalab uga yimid kooxda Al-Nassr ee dalka Sacuudiga . (Football Italia)

Tottenham ayaa wadahadalo amaah ah kula jirta Fiorentina 25 jirka khadka dhexe ee Morocco Sofyan Amrabat. (Standard)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wales Aaron Ramsey ayaa laga saari doonaa kooxda Juventus hadii uusan bishaan ka tagin, iyadoo Crystal Palace , Newcastle iyo Burnley lala xiriirinayo 31 jirkaan. (Il Bianconer)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan