Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

AC Milan ayaa xilli dambe heshiis amaah ah ugu dhaqaaqi karta khadka dhexe ee Tottenham ee Dele Alli. (Gazzetta dello Sport)

Manchester United goolhayaheeda Dean Henderson ayaa u wareegaya Newcastle United maalinta ugu dambaysa suuqa January. (Talksport)

West Ham ayaa dalab 18 Milyan oo euro ah ka gudbisay daafaca dhexe ee Marseille ee Duje Caleta-Car. (Goal)

Barcelona garabkeeda Ousmane Dembele oo la filayo inuu kooxdaas ka tago ayaa walow uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay PSG haddana ay Man United dalab 20 Milyan oo euro ah ka gudbisay. (Journalist Pedro Almeida)

Tottenham ayaa sidoo kale xiisaynaysa Ousmane Dembele balse diyaar uma aha bixinta mushaharka uu dalbanayo.(Marca)

Arsenal weeraryahankeeda Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ogolaaday inuu mushahar aad u hooseeya ugu ciyaaro Barcelona inta xilli ciyaareedka ka dhiman balse Barca ayay tahay inay marka hore iska dirto Dembele. (Sport)

Khadka dhexe ee Fabio Carvalho ayaa Fulham kaga biiri kara Liverpool, heshiiskaas ayaa u ogolaan doona in Fulham ay inta xilli ciyaareedka ka dhiman 19 sano jirkaas sii haysato. (The Athletic)

Crystal Palace ayay Arsenal kasoo diiday dalabkii saddexaad ee ay ku doonayso Eddie Nketiah, walow heshiiska 22 sano jirkaas ee Gunners xagaaga dhacayo. (Sky Sports)

Lyon heshiiska amaahda ah ee ay Tottenham kaga doonayso Tanguy Ndombele ayaa meel xasaasi ah gaadhay xilli ay kooxda French-ka ahi doonayso in lagu daro qoddob u ogolaanaya inay rasmi u iibsan karaan. (Sky Sports).

Chelsea ayaa caddaysay xiisaheeda garabka Leeds United ee Raphinha balse 25 sano jirkaas ayaa la filayaa in xagaaga uun la heli doono. (Daily Mail).

Liverpool daafaceeda midig ee Neco Williams ayaa maanta oo ah maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga amaah loogu diri karaa Bournemouth. (Liverpool Echo)

Bournemouth ayaa ku jirta wadahadalo meel fiican maraya oo ay kula saxeexanayso goolhayaha Newcastle ee Freddie Woodman. (Football Insider)

Erling Braut Haaland ayaa doonaya suuqa xagaaga inuu ka tago Dortmund si uu ugu biiro Barcelona. (Express)

Denis Zakaria ayaa ku biiraya Juventus oo saxeexiisa kala heshiisay orussia Monchengladbach. (Goal)

Khadka dhexe ee Yves Bissouma ayaa iskaga tagi kara Brighton xilli ay xiisaynayaan kooxaha kala ah with Aston Villa, Tottenham iyo Man United. (Journalist Fabrice Hawkins)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan