Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United ayaa diyaar u ah inay u ogolaato seddex ciyaaryahan oo da’yar inay amaah kaga tagaan kooxda ka dib markii daafacooda Reece Devine uu ku biiray Walsall Jimcihii. Sida laga soo xigtay Manchester Evening News

Liverpool ayaa tixgelin doontaa dalabyada Takumi Minamino iyo Divock Origi ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo Isniinta. sida laga soo xigtay The Athletic.

Newcastle ayaa wadahadalo la furtay Arsenal oo ku saabsan saxiixa Eddie Nketiah, Sida laga soo xigtay 90min .

Barcelona ayaa si weyn loola xiriirinayay Raheem Sterling ilaa suuqii jiilaalka, laakiin Sport ayaa ku warameysa in agaasimaha ciyaaraha ee kooxda uu diiday heshiiska . Sport 

Franck Kessie ayaa qarka u saaran inuu diido inuu u wareego Tottenham isagoo sugaya dalabyada Inter ama Juventus, sida ay warinayso Gazzetta dello Sport .

Daily Mail ayaa ku warameysa in kubad sameeyaha Chelsea Ruben Loftus-Cheek uu noqday bartilmaameedka kooxda Everton. Daily Mail 

Tottenham ayaa u soo bandhigtay Giovani Lo Celso kooxdea Fiorentina taasoo qayb ka ah dalab ay amaah ku doonayso oo ku aadan Sofyan Amrabat, sidaas waxaa warineysa Alfredo Pedulla .

Manchester City ayaa weli rajo ka qabta inay ku qancin karto Raheem Sterling inuu saxiixo qandaraas cusub, iyadoo ESPN ay warineyso in wadahadalo lala furay xiddiga heerka caalami ee dalka England. ESPN

Newcastle ayaa dib u dhigtay dalab 7 milyan ah oo u dhiganta ($9m) oo ay ku doonaysay daafaca Brighton Dan Burn, sida laga soo xigtay BBC Sport .

Aston Villa ayaa laga diiday dalab 20.5 milyan ginni ah oo ay ku doonaysay Rodrigo Bentancur oo ka tirsan Juventus, sida uu sheegay Sky Sports .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan