Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Daafaca Manchester United Phil Jones ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo bartamaha xilli ciyaareedkaan France, iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ee Bordeaux lagu soo waramayo inay isha ku heyso daafaca dhexe. Goal

Newcastle United ayaa si aad ah u horumarisay dalabkii ugu horeeyay ee 7 milyan ginni ee ay ku doonaysay xidiga kooxda Brighton & Hove Albion ee Dan Burn Sida laga soo xigtay The Chronicle.

Juventus ay si degdeg ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga kooxda Borussia Monchengladbach ee Denis Zakaria. Sida ay qortay Goal

Inter Milan ayaa xaqiijisay in  Stefano Sensi uu dhamaystiray heshiis amaah ah oo uu ugu biirayo Sampdoria inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Inter Milan fc

Paul Pogba ayaa sii joogi doona Manchester United wixii ka dambeeya xagaaga haddii Ralf Rangnick uu sii ahaado tababaraha. Sida laga soo xigtay The Sun , 

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay kula dagaalanto Real Madrid saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ajax Ryan Gravenberch inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan. sida laga soo xigtay Mundo Deportivo

Everton ayaa lagu soo waramayaa in ay Crystal Palace kula dagaalamayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Donny van de Beek ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga January. sida laga soo xigtay Sky Sports News

Agaasimaha kooxda Barcelona Mateu Alemany ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda kula taliyay in aysan u dhaqaaqaanin saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Raheem Sterling inta lagu guda jiro suuqa January.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan