Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Christian Eriksen ayaa tababar la qaadanaya kooxdiisii ​​hore ee Ajax iyadoo ay jiraan warar sheegaya inuu ku dhow yahay inuu ku biiro Brentford. Goal

Weeraryahanka Chelsea Armando Broja ayaa xiiso ka helaya kooxda West Ham, sida ay xaqiijisay GOAL

Tottenham ayaa dalab €45m u dhiganta (£38m/$51m) ka gudbisay garabka Porto Luis Diaz – sida laga soo xigtay Sic Noticias .

Goolhayaha Arsenal Bernd Leno ayaa doonayo inuu boxo suuqa kala iibsiga Janaayo – sida laga soo xigtay football.london .

Xiddiga Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa bartilmaameed u ah AC Milan, sida ay sheegtay Football Italia .

Tottenham ayaa kalsooni ku qabta in baacsiga ay mudada dheer ku raadinayeen garabka Wolves Adama Traore uu marayo gabagabo wanaagsan, sidaas waxaa qaba The Independent .

Newcastle ay diyaar u ah inay bixiso dhammaan mushaaraadka Jesse Lingard haddii Manchester United ay u ogolaato inuu amaah ugu biiro. Sky Sports 

Liverpool ayaa, ku wargelisay Steven Gerrard iyo Aston Villa in Joe Gomez aan la iibin doonin inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee jiilaalka. sida laga soo xigtay Football Insider , 

Milan ayaa mudnaanta koowaad siineysa saxiixa suurtagalka ah ee daafaca Manchester United Eric Bailly ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga – sida laga soo xigtay Foot Mercato .

Real Madrid ayaa diiday dalab uga yimid Basel oo ku aadanaa daafaca reer Spain Rafa Marin – sida laga soo xigtay Marca .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan