Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com
Barcelona ayaa isha ku heysa kooxda Palmeiras gaar ahaan xiddiga soo baxaya ee Endrick, sida ay ku warameyso Sport .
Inter ayaa dooneysa inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Matias Vecino bishaan. Calciomercato
Agaasimaha ciyaaraha ee Borussia Monchengladbach Max Eberl ayaa sheegay in kooxdu aysan wax dalab ah ka helin Matthias Ginter. Goal
Barcelona ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Liverpool Roberto Firmino, sida laga soo xigtay El Nacional .
Napoli ayaa ka shaqeyneysa saxiixa Nicolas Tagliafico oo ka tirsan Ajax, sida ay ku warameyso Sky Sport Italia.
AC Milan ayaa isha ku heysa daafaca Bologna Arthur Theate, sida uu sheegay Het Laatste Nieuws .
Everton ayaa qarka u saaran inay ceyriso Rafael Benitez, sida laga soo xigtay The Athletic .
Southampton ayaa la soo xiriirtay Manchester United si ay u hesho Dean Henderson. Sida laga soo xigtay Football Insider ,
Newcastle United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga Atalanta ee Robin Gosens iyaga oo doonaya in ay kooxdooda ku soo daraan. Sida laga soo xigtay Sky Italia
Jurgen Klopp ayaa taageere weyn u ah Kalvin Phillips, wuxuuna xitaa diyaarinayaa dalab ku dhow 40 milyan oo euro. Sida laga soo xigtay EL Nacional ,
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Source: dalkaan