Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Juventus oo heshiis la gaartay Borussia Monchengladbach oo ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Denis Zakaria, sida ay fahansan tahay GOAL.

Liverpool ayaa rajeyneysa inay dhameystirto heshiiska soo daahay ee ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fulham Fabio Carvalho, sida ay warineyso The Athletic.

Newcastle United ayaa xaqiijisay inay Bruno Guimaraes kala soo wareegtay Lyon heshiis 33 milyan ginni ah oo u dhiganta ($44m). Goal

AC Milan ay diyaar u ah inay amaah soo daahdo kula soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Dele Alli. Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport

Arsenal ayaa diyaar u ah inay u ogolaato Pierre-Emerick Aubameyang inay amaah kula soo wareegto Barcelona,  GOAL 

Chelsea ayaa diwaan galisay xiisaha ay u qabto garabka Leeds ee Raphinha, sidaas waxaa qortay Daily Mail .

Liverpool ayaa laga yaabaa in ay amaah ugu dhaqaaqdo Neco Williams maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga, sida ay qortay Liverpool Echo .

Erling Haaland ayaa ku riyoonayo inuu xagaaga u dhaqaaqo kooxda Barcelona Sida ay qortay Daily Star

Tottenham ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karaan garabka Barcelona Ousmane Dembele. sida laga soo xigtay Daily Mail , 

Goolhayaha kooxda Manchester United Dean Henderson ayaa qarka u saaran inuu u wareego Newcastle – sida laga soo xigtay talkSPORT .

Wolves ayaa qorsheyneysa inay lasoo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Metz Boubacar Traore – sida laga soo xigtay The Sun.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan