Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen kasta kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Barcelona oo isha ku heysa inay lasoo wareegto weeraryahanka Real Sociedad Alexander Isak – sida laga soo xigtay SPORT .

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay miiska saarto lacag dhan 40 milyan oo euro (£33m/$46m) oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Leicester ee Youri Tielemans. Sida laga soo xiganayo El Nacional 

Kooxaha Barcelona, Sevilla iyo Juventus ayaa dagaal seddex geesood ah ugu jira weeraryahanka Manchester United Anthony Martial, sida uu sheegay Fichajes .

Dalabkii ugu dambeeyay ee Newcastle ee Diego Carlos ayaa wali wax yar ka hooseeya qiimaha Sevilla, GOAL 

Everton ayaa baadi goob ugu jirta tababare cusub, The Telegraph ayaana ku warameysa in Wayne Rooney iyo Frank Lampard laga wareysan doono buuxinta boos ka banaan garoonka Goodison Park. The Telegraph

Xiddiga Manchester United Alex Telles ayaa ku jira liiska xiddigaha diirada u saaran Barcelona – sida laga soo xigtay Mundo Deportivo .

Hugo Lloris ayaa ku dhow inuu u saxiixo qandaraas kordhinta Tottenham – sida laga soo xigtay Football.London .

Barcelona ayaa ku raad joogta goolhayaha Boca Junior Agustin Rossi – sida laga soo xigtay Fichajes .

Weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette ayaa diiday dalab uga yimid Newcastle. sida laga soo xigtay TMW, 

Real Madrid ayaa kula biirtay kooxaha Barcelona iyo Manchester United tartanka loogu jiro xiddiga Marseille Boubacar Kamara, sida ay sheegtay Defensa Central .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan