Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Bartilmaameedka kooxaha Arsenal,Chelsea iyo Manchester City ee Dusan Vlahovic ayaa laga yaabaa in uu isaga tago January sababtoo ah 21 jirka weerarka uga ciyaara Fiorentina ayaa doonaya 200,000 oo Gini todobaadkii. (Dailystar)

Manchester United ayaa bartilmaameedka suuqa kala iibsiga u aqoonsatay 18 jirka khadka dhexe uga ciyaara Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz. (Express)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Goolhayaha Aston Villa iyo Argentina Emiliano Martinez, 29, ayaa ku jira liiska Manchester United ee badali kara David de Gea, 31. (DailyStar).

Inkasta oo ay jiraan warar xan ah oo badan oo ku saabsan qorshaha Newcastle ee January, tababare Eddie Howe ayaa sheegay in kooxdu ay tahay inay “waaqici” ka ahaato doorkeeda suuqa kala iibsiga. (Express)

Rafael Benitez ayaa kalsooni ku qaba in 18 jirka weerarka uga ciyaara Everton Lewis Dobbin uu qandaraas cusub u saxiixi doono Goodison Park. (Liverpool Echo)

Liverpool ayaa xiiseyneysa weeraryahanka West Ham Jarrod Bowen, 25, iyo garabka Leeds ee Brazil Raphinha, 25. (Liverpool Echo).

Ka dib markii uu xagaagii hore qarash gareeyay 150 milyan ginni, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa wax badan gelin doona suuqa kala iibsiga ee Janaayo. (Express)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan