Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Bayern Munich ayaa ku dhow heshiis 50 milyan euro ah oo u dhiganta (£42m/$57m) oo ay kula soo saxiixaneyso xiddiga Leeds Raphinha bishaan Janaayo, sidaas waxaa qortay TNT Sports.

ESPN ayaa ku warameysa in Liverpool laga yaabo inay u baahato inay Mohamed Salah ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Premier League si uu xidiga Masaarida u saxiixo qandaraas cusub. ESPN

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Adnan Januzaj ayaa kaspp muuqday bartilmaameed xiliga jiilaalka ee Barcelona iyo West Ham, sida ay sheegtay Calciomercato .

Saxiixa Barcelona ee Matthijs de Ligt ayaa ku adkaan doonta mushaarka xidigan marka la eego xaalada dhaqaale ee kooxda, sida uu qabo Sport .

Roma ayaa, dooneysa inay heshiis amaah ah ku sameyso xiddiga boosaska badan ee Arsenal Ainsley Maitland-Niles. sida laga soo xigtay ESPN , 

Juventus uma badna inay amaahda Alvaro Morata ka dhigto mid joogto ah, sidaas waxaa warinaysa Calciomercato .

Manchester United ayaa sii wadata inay la socoto xaalada Kieran Trippier ee Atletico Madrd laakiin waxay ka dhigtay xiddiga RB Leipzig Tyler Adams bedelka daafaca midig, sida ay sheegtay The Athletic .

PSG ayaa heshiis kordhin la gaartay xiddiga khadka dhexe ee Eric Junior Dina-Ebimbe, sida ay ku warameyso Le10Sport.

Newcastle ayaa ka fiirsaneysa inay Janaayo u dhaqaaqdo Odion Ighalo, sida ay warineyso Sky Sports.

Real Madrid ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo xiddiga Lille Jonathan David, sida ay warineyso Marca.

West Ham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo daafaca Nice Flavius ​​Daniliuc, sida ay warineyso The Athletic.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan