Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Tottenham ayaa hoggaaminaysa tartanka loogu jiro saxeexa khadka dhexe ee AC Milan ee Franck Kessie oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan, Man United iyo Arsenal ayaa sidoo kale doonaya balse Spurs ayaa wadahadalo la yeeshay wakiilkiisa. (Express)

Newcastle United tababaraheeda Eddie Howe ayaan doonayn inuu la saxeexdo Dele Alli oo Tottenham ka tirsan suuqa January walow uu xoojin rabo. (Football Insider)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Chelsea ayaa diyaar u ah inay Liverpool xagaaga dambe kula tartanto saxeexa garabka Leeds United ee Raphinha. (Sport Italia, via Express)

Manchester United tababaraheeda Ralf Rangnick ayaa sheegay inaysan jirin koox wali xiiso u muujisay Edinson Cavani. (Sport Bible)

Real Madrid ayaa xiisaynaysa daafaca midig ee Real Madrid ee Reece James waxaana ay Blues heshiiska ay ku doonayaan ugu dari karaan Eden Hazard. (El Nacional – in Catalan)

Tottenham ayaa xiisaynaysa saxeexa khadka dhexe ee Juventus ee Weston McKennie, haddii Spurs ay la saxeexdaan ayay Juve fursad u heli doontaa khadka dhexe ee AS Monaco ee Aurelien Tchouameni oo sidoo kale bartilmaameed u ah Chelsea. (Express)

Real Madrid muhiimadeeda koowaad ee suuqa xagaaga dambe ayaa ah saxeexa Erling Haaland balse kooxdaas ayaa u aragta Dusan Vlahovic oo Fiorentina ka tirsan midka ay u weecanayaan haddii ay waayaan Haaland. (El Nacional – in Catalan)

Chelsea garabkeeda weerar ee Callum Hudson Odoi ayaa bartilmaameed u ah Lazio oo uu maamulo tababarihii hore ee Chelsea ee Maurizio Sarri. (Tuttosport, via Football Italia)

Barcelona ayaa doonaysa inay iska dirto Philippe Coutinho oo isaguna doorbidaya inuu u wareego Arsenal. (Sport – in Spanish)

Arsenal khadkeeda dhexe ee Ainslet Maitalnd Niles ayaa aad ugu dhaw inuu u wareego AS Roma isaga oo noqon kara saxeexa koowaad ee Jose Mourinho sameeyo sanadka cusub. (Mirror)

Lille ayaa doonaysa ugu yaraan 30 Milyan oo euro haddiiba ay iibinayaan daafaca dhexe ee Sven Botman. (Tuttomercatoweb – in Italian)

Andrea Belotti ayaa ka tagaya Torino marka heshiiskiisu dhaco dhammaadka xilli ciyaareedkan, AC Milan, Napoli iyo Fiorentina ayaa xiisaynaya. (Calciomercato, via Football Italia)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan