Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Real Madrid ayaa si weyn ugu kalsoon saxeexa Kylian Mbappe, walow uu kooxaha heshiis usii saxeexi karo laga bilaabo January haddana mustaqbalkiisa ayaa la go’aamin doonaa kaddib kulamada wareega 16-ka Champions League ee PSG v Real Madrid. (AS, via Mail)

Gareth Bale iyo Isco ayaa ah xiddigaha ugu cad cad ee ka tagi kara Real Madrid suuqa January xilli labadaba qandaraasyadoodu dhacayaan dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Marca)

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Real Madrid ayaa sidoo kale rajaynaysa in Antonio Rudiger uu si bilaash ah ugu soo biiri doono xagaaga dambe iyadoo qandaraaskiisa Chelsea lix bilood ka hadheen, Madrid ayaa filaysa inay mushaharka uu doonayo bixin doonto. (Telegraph – subscription required)

Wolves khadkeeda dhexe ee Ruben Neves ayaa noqday bartilmaameedkii ugu dambeeyay ee Man United sababtoo ah in Rangnick khad dhexe doonayo. (Mirror)

Manchester City weeraryahankeeda Ferran Torres ayaa jooga maanta magaalada Barcelona isaga oo tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Barcelona. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Manchester United weeraryahankeeda Edinson Cavani ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah Barcelona, Barca ayaa toddoba ciyaaryahan suuqa dhigtay si ay uga hesho lacagta ay ku maalgelinayso saxeexiisa. (Marca)

Manchester United ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa afar da’yar oo Germany kasoo jeeda oo kala ah khadka dhexe ee Bayer Leverkusen ee Florian Wirtz oo 18 sano jir ah, Borussia Monchengladbach 18 sano jirkeeda daafaca bidix ee Luca Netz, 19 sano jirka khadka dhexe ee kooxda RB Lepizig Eric Martel iyo daafaca dhexe ee VfL Bochum Armel Bella-Kotchap oo 20 sano jir ah kuwaas oo dhammaantood ku jira liiska doonista tababare Ralf Rangnick. (Sun)

Newcastle United ayaa doonaysa saxeexa khadka dhexe ee Marseille ee Boubacar Kamara xilli sidoo kale 19 sano jirkaas oo qandaraaskiisu dhacayo ay xiisaynayaan Man United iyo Chelsea.(Sun)

Leeds United garabkeeda Raphinha ayaan la filayn inuu suuqa January u wareego Bayern Munich. (Yorkshire Evening Post)

Chelsea tababaraheeda Thomas Tuchel ayaa soo jeediyay in khadka dhexe ee Conor Gallagher uu kusoo laabto Chelsea oo u dagaalamo booskiisa kooxda kaddib sanadka amaahda ah ee uu kusoo qaadanayo Crystal Palace. (Metro)

Kabtankii Chelsea ee John Terry ayaa kusoo laabanaya kooxdaas si uu horumarinta da’yarta kooxda uga shaqeeyo, hore ayuu uga tagay Aston Villa si uu u raadsado boos tababare rasmi ah. (Athletic – subscription required)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan